Landeshauptstadt Dresden - bibo.dresden.de

https://www.bibo-dresden.de/de/benutzung/information-in-various-languages/soomaali.php 22.08.2023 11:34:02 Uhr 06.05.2024 01:48:28 Uhr

Soomaali

(Somali - Somali)

Macluumaad ku saabsan sida loo Isticmaalo Maktabadaha Magaalada Dresden

1. Kusoo dhowaada Maktabadaha Magaalada Dreden

Waxaad si bilaash ah ku booqan kartaa maktabadaheena. Waxaad u isticmaali kartaa alaabtayada ku jirta qololka maktabadda si bilaash ah.

Haddii aad jeceshahay inaad si buuxda uga faa'iidaysato dhammaan adeegyada, waa inaad haysataa kaarka aqoonsiga isticmaalaha Maktabadaha Magaalada Dresden. Kaarka aqoonsiga isticmaalaha wuxuu loo adeegsan karaa dhammaan maktabadaha magaalada Dresden.

Kaarkaaga aqoonsiga isticmaalaha wuxuu kuu suurto gelinayaa inaad:

  • Wax ka amaahato maktabadahayaga oo aad kordhisato muddooyinka amaahda,
  • Isticmaasho kombiyuutarrada, cajaladaha iyo tusiyaha
  • Isticmaasho adeegeena internet-ka-ka, tusaale ahaan soo-degsashada buugaagta elektaroonigga ah

2. Diiwaangelinta

Si aad u hesho kaarka aqoonsiga isticmaalaha waa inaad iska diiwaangelisaa Maktabadaha Magaalada Dresden. Waxaad isku diiwaangelin kartaa oo kali ah qof ahaan.

Kaarka aqoonsiga isticmaalaha waxaa isticmaali kara oo keliya qofka iska leh. Qofka iska leh kaarka ayaa mas'uul ka ah cawaaqibka ka dhasha haddii dad aan sharciyaysnayn si-xun u isticmaalaan kaarkaas.

2.1 Dokumentiyada loo baahan yahay xilliga is-diiwaangelinta

Si laguu diiwaangeliyo, fadlan noo soo gudbi dokumentiyada soo socda:

  • Dadka waaweyn iyo kurayda:
    Kaarka aqoonsiga (tusaale baasaboor, ruqsadda deganaanshaha, ruqsadda deganaanshaha ku meel gaarka ah)
    Caddaynta cinwaanka (shahaadada deggenaanshaha, Kaarka Dresden, ruqsadda degenaanshaha)
  • Dhallinta aan weli qaadan kaarka aqoonsiga:
    Kaarka aqoonsiga carruurta, kaarka aqoonsiga ardayga (kaliya kaararka caagga ah ee leh sawirka qofka iska leh ayaa la oggol yahay) ama nuqulka kaarka aqoonsiga shakhsiyeed ee mas'uulka.

Carruurta lix jirka ah ama ka weyn ayaa is -diiwaangelin kara. Carruurta ka yar 14 sano waxaa u saxiixaayo mas'uulkooda si uu uga mas'uul noqdo.

2.2 Ujrada/khidmada isticmaalka
  • Khidmadda isticmaalka muddo 12 bilood ah
Kooxda isticmaala Khidmadda isticmaalka muddo 12 bilood ah
Qoysaska Euro 30.00
Qoysaska ay u rukuman tahay Euro 25.00
Dadka waaweyn Euro 20.00
Dadka waaweyn oo ay u rukuman tahay Euro 15.00
Carruurta iyo dhallinta illaa 17 sano jirka ah waa bilaash
Dadka haysta Kaarka aqoonsiga Dresden ee soo bandhiga kaarka Dresden waa bilaash
  • Khidmada isticmaalka muddo 6 bilood ah:
Kooxda isticmaala Khidmada isticmaalka muddo 6 bilood ah
Dadka waaweyn Euro 10.00
2.3 Wax ka beddelidda xogta shakhsiga, luminta kaarka aqoonsiga ee isticmaalaha

Waa inaad isla markiiba u soo sheegtaa maktabadda magaalada wixii isbeddel ah ee ku saabsan xogtaada shakhsiyeed ama lumitaanka kaarkaaga aqoonsiga ee isticmaalaha. Kharashka kaar beddelka:

Kooxda isticmaala Khidmadaha
Dadka waaweyn iyo dhalinyarada ka wayn da’da 14 sano jirka ah Euro 5.00
Carruurta Euro 2.50

3. Isticmaalka adeegga internetka

Waxaad ka heli kartaa waybsaydka Maktabadaha Magaalada Dresden halkaan www.bibo-dresden.de. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan shuruudaha isticmaalka, saacadaha ay furan tahay, cinwaanada, lambarada taleefanada ee maktabadaha magaalada iyo adeegyadooda gaarka ah, dhacdooyinka iyo dadka lagala xiriirayo.

Buugga daliil-hayaha internetka ee Maktabadaha Magaalada Dresden waxaad ka heli kartaa halkaan: katalog.bibo-dresden.de. Waxaad ka heli kartaa adeegyadayada dhijitaalka ah sida faylasha elektaroonigga ah, waxbarashada elektaroonigga ah iyo sidoo kale muusigga iyo daawashada filimada tooska ah halkaan: www.ebibo-dresden.de.

Adigoo ah isticmaale diiwaan gashan waxaad ka geli kartaa akoonkaaga isticmaale dhanka buugga daliil-hayaha khadka tooska ah. Si aad u gasho akoonkaaga isticmaale waa inaad gelisaa lambarkaaga isticmaale iyo fure-sireedkaaga. Lambarkaaga isticmaalaha waxaad ka heli kartaa kaarkaaga aqoonsiga isticmaalaha. Fure-sireedka koowaad wuxuu ka kooban yahay 4-ta lambar ee ugu horreeya taariikhda dhalashadaada. (Taariikhda dhalashada: 09/08/1960; fure-sireedka: 0908). Sababo ammaan awgood waxaa laguugula talinayaa inaad beddesho fure-sireedkaaga.

4. Ku isticmaalka waxyaabaha maktabadda meelo ka baxsan maktabadda

4.1 Amaahashada alaabta/shay

Qaar ka mid ah maktabadaha magaalada waxyaabo ayaa laga amaahan karaa (waana lagu soo celin karaa) miisaska wax isku qoritaanka; maktabadaha kale ee magaalada waxyaalaha maktabadda ayaa dadka ku qora shaqaalaha maktabadda oo fadhiya miiska qoritaanka.

Labada xaaladoodba waxaad u baahan tahay kaarkaaga aqoonsiga isticmaalaha markaad wax ka amaahanayso maktabadda magaalada.

Markaad wax ka amaahanayso miiska wax isku-qoritaanka, dhammaystir hab-raaca bixinta adigoo gujinaya badhanka "End". Qofka iska leh akoonka khuseeya ayaa mas'uul ka ah waxyeellada ka dhalata alaabta isticmaaleyaasha aan sharciyaysneyn ay ka amaahdaan akoonada looga tago iyagoo furan ee miiska wax isku qoritaanka.

Markaad amaahanayso shay waxaad heleysaa rasiid ay ku qoran tahay taariikhda saxda ah oo ay tahay inaad soo celiso shay kasta. Waxaa sidoo kale laguu soo diri karaa fariin iimayl oo xusuusin ah ama fariin gaaban oo la xiriirta muddada amaahdaada. Maktabadaha Magaalada Dresden mas'uul kama aha adeeggan dheeraadka ah.

4.2 Muddooyinka amaahda

Muddada amaahdu way ku kala duwan yihiin noocyada kala duwan ee alaabta/waxyaabaha:

  • 8 isbuuc
    Buugga heesaha
  • 4 isbuuc
    Buugaagta, qariiradaha, faylasha isku dhafan, koorsooyinka luuqadaha, ciyaaraha ciyaaraha kombiyuutarka, cajaladaha CD-ROMs
  • 2 isbuuc
    Majaladaha, wargaysyada, CD-yada, LP-yada, DVD-yada, Cajalada wareegta ee Blu-ray

Alaabta la amaahday waxaa laga yaabaa inaan loo gudbin karin qof saddexaad.

Kahor intaadan amaahanin shay, fadlan iska hubi in shayga aad dooratay uu fiican yahay oo uu dhammaystiran yahay, isla markaasna u sheeg shaqaalahayaga wixii dhaawac ah oo aad ku aragto.

4.3 Soo celinta alaabta/waxyaabaha

Shay kasta oo la amaahday waa in lagu soo celiyaa maktabadda kahor taariikhda la cayimay. Rasiidka iyo akoonkaaga isticmaalaha ayaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan taariikhda dib u soo celintaee shay kasta. Qof kasta ayaa shayga ama alaabta kusoo celin kara maktabad kasta ee ku taalla magaalada.

Haddii shay lagu soo celiyo maktabadda magaalada oo aan laga lahayn halkaas, waxaa shay kasta laga bixinayaa khidmad gaadiid oo ah 20 senti.

4.4 Kordhinta muddada amaahda

Muddada amaahda waa la kordhin karaa kahor intaysan dhammaanin, haddii aysan jirin sababo gudaha ah oo ay taas u dhici karin (tusaale ahaan in qof kale horay u dalbaday shaygaas). Muddada amaahda waxaa lagu kordhin karaa taleefan ahaan, shakhsi ahaan shaqaalaha fadhiya miiska bixinta ama si madax bannaan iyada oo loo marayo buugga daliil-hayaha internetka ee katalog.bibo-dresden.de.

Fadlan ka fiiri akoonkaaga isticmaalaha haddii kordhinta muddada amaahdaadu aad ku guulaysatay. Haddii shaki jiro, xogta ku kaydsan akoonkaaga isticmaale waa sax.

4.5 Alaabta la kaydsaday/alaabta la dalbaday

Alaabta la amaahday ama alaabta laga heli karo maktabadaha kale oo kali ah ayaad ka dalban kartaa maktabadda aad jeceshahay adigoo bixinayya Euro 1.20.

Maktabadaha Magaalada Dresden ayaa kugu wargelin doonta warqad, iimayl ama fariin gaaban marka shaygu loo diyaariyo qaadasho. Alaabta/waxyaabaha horay loo dalbaday ayaa si loo qaato loogu hayaa maktabadda aad dooratay muddo 1 toddobaad ah. Khidmaddu sidoo kale waad bixin, xitaa haddii aadan qaadan alaabta aad dalbatay.

4.6 Ganaaxyada alaabta daahday/magdhawga alaabta waxyeellowday

Haddii muddada amaahdu la dhaafay, ganaaxa alaabta wakhtigeeda dhammaaday ayaa la bixinayaa.

Ganaaxa alaabta daahday ee maalin kasta oo maktabaddu furan tahay iyo shay kasta waa sida soo socota:

  • Dadka waaweyn iyo dhalinyarada ka wayn da'da 14 sano jirka ah: Euro 0.40
  • Carruurta ka yar da’da 14 sano jirka: Euro 0.20

Haddii alaabta aan la soo celin, waxaa laguu soo diri doonaa xusuusin adiga oo iska bixinaya qarash.

4.7 Alaabo waxyeellowday ama luntay

Alaabta waxyeellowday ama luntay waa in la beddelaa. Intaa waxaa dheer khidmada wax -ka -qabadka oo ah Euro 2.50 shay kasta ayaa laga bixin doonaa alaabooyinka ay tahay in la beddelo.

4.8 Xadka ujrada/khidmada

Marka wadarta khidmadaha lagugu leeyahay ay gaarto Euro 10.00 ee akoonkaaga isticmaalaha, mar dambe suurtagal ma aha inaad amaahato shay kale, in laguu kordhiyo muddada amaahda ee alaabta aad amaahatay ama inaad ku isticmaasho internetka gudaha maktabadaha magaalada.

5. Macluumaad guud

Shaqaalaha maktabaddu ayaa codsan kara in bacaha, boorsooyinka dhabarka iyo noocyada kale ee weelasha iyo sidoo kale walxaha tirada badan lagu xiro sanduuqyada loogu talagalay ujeeddadan ama ay gudbiyaan si loo xafido. Maktabadaha Magaalada Dresden ayaa mas'uul ka ah oo keliya marka khasaaraha ama waxyeello ka dhalata xaaladaha ulakac ah iyo dayacaad ba'an.

Fadlan tixgeli booqdayaasha kale inta aad maktabadda ku sugan tahay. Carqaladaynta iyo inaad xayawaan keentid maktabadda lama oggola.

Cunista iyo cabbitaanka waxaa loo oggol yahay oo keliya qolalka loogu talagalay ujeeddadan.

Fadlan u fiirso tilmaamaha ay bixinayaan shaqaalaha.

Koobiyeyaasha maktabadaha magaalada waxaa iska leh adeeg bixiye dibadeed, oo dejiya khidmadaha koobi -bixinta. Nuqulaynta ama koobi-bixinta ayaa la oggol yahay oo keliya si waafaqsan sharciyada xuquuqda daabacaadda.

Maktabadaha Magaalada Dresden mas'uul kama ahan waxyeellada soo gaarta qalabka cajaladaha ka shaqaysiiya ama kumbuyuutarada oo ay sababeen softiweerka ama qalabka laftirkiisa (tusaale fayrasyada).

Ogaysiisyada khuseeya ayaa waxaad ka heli kartaa tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan sharciyada adeegsigaiyo xeerarka guriga.

Shaqaalahayaga ayaa diyaar u ah inay kaaga jawaabaan wixii su'aalo ah ee aad qabtid.